Wufuudda ka qeyb gelaysay caleema-saarka madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa, ku bilowday is-dhinac-yaac iyo fowdo , kadib markii maanta Garoowe lagu soo wada-dhoweeyay laba haween ah oo labaduba sheeganaya guddoomiyaha ururka Haweenka Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Puntland ayaa garoonka diyaaraha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir Hamaan ku soo wada-dhoweeyay, Ayaan Cabdullaahi Axmed iyo Batuulo Sheikh Axmed (Gaballe), waxaana labadaba lagu soo dhoweeyay magaca, guddoomiyaha Haweenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.
Is-dhinac-yaaca maamul ee qaabka fowdada ah ku socda ayaa imaanaya, xilli maalmaha soo aaddan ay Garoowe ku soo wajahan yihiin wufuud badan oo ka imaanaya meelo kala duwan, balse lama garanayo sida loo kala nidaamin doono.
Masuuuliyiinta in dhaha hayo Socdaalkood iyo Hadal jeedintooda Munaasabadda Sabtida loo balansanyhay waxaa ka mid ah Madaxwayne Farmaajo iyo Mucaaradkiisa Garhaaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo marka kasta Weraraya Siyasaadda Taliska Farmaajo