Sulaymaanigii maraykan dilay oo baroordiiq balaaran ciraaq loogu dhigay

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Dad badan ayaa maanta isugu soo baxay caasimada Ciraaq ee Baqdaad si ay uga qayb qaataan tacsida loo sameynayo abaanduulihii militariga Iran Qasem Soleimani,oo khamiistii lagu dilay duqeyn ay Mareykanka fuliyeen.

Soleimani ayaa ahaa ninkii qaabyn jiray howlgalada Iran ee bariga dhexe islamarkana waxay Iran wacad ku martay in ”aargoosi xanuun badan uu sugayo dambiileyaasha” ka dambeeyay weerarka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran Javad Zarif ayaa weerarkaasi ku tilmaamay ”ficil argagixiso caalami ah”.

Dadka maanta isugu soo baxay Baqdaad ayaa waxaay xusayeen saddex maalin oo baroo-diiqda loo sameynayo Soleimani.

Meydkiisa ayaa lagu wadaa in loo qaado Iran si loogu aaso magaaladii uu ku dhashay.

Dadka isugu soo baxay Baqdaad waxay sidoo kale baroor-diiq u samynayeen Abu Mahdi al-Muhandis,oo ahaa hogaamiyaha koox maleeshiyaad Shiico ah oo ka jirta Ciraaq.

Waxay dadkan ku luuqeynayeen “Mareykanku ha dhinto”.islamarkana waxay ruxayeen calanka dalka Ciraaq.

Talefishinka dalka Ciraaq ayaa sheegay in duqeymo kale ay ka dhaceen Ciraaq 24 saac ka dib dilki Soleimani.

Ila wareedyo militariga Ciraaq ah ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in 6 qof lagu dilay duqeynta cusub ee ka dhacday gudaha Ciraaq.

Afhayeen u hadlay militariga Mareykanka ayaa beeniyay in isbahaysiga uu hogaamiyo Mareykanka ee gobolka ku sugan ay masuul ka yihiin weerarada la sheegay inay Ciraaq ka dhaceen.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhankiisa sheegay in Mareykanku uu u dilay hogaamiyihii sare ee milateriga Iiraan, Qaasim Sulaymaani, si “uu u joojiyo dagaal, ee uusan doonayn inuu mid bilaabo”.