Sawiro:Madax ka socotay safaarada soomaliya ee uganda oo ka qayb galay xaflada qalin jabinta jaamacada victoria

Wararka Maanta WAXBARASHADA

Xaflada qalin jabinta jaamacada victoria ee dalka uganda ayaa maanta lagu qabtay caasimada kampala Xafladaan waxaa ku qalin jabinayay arday ka kala timid dalal badan oo africa ah.
Xafladaan oo ay ku qalin jabinayeen boqolaal arday ayaa waxaa soomali ka ahaa hal wiil oo ka qalin jabiyay kulyada caafimaadka.
Axmad siciid yuusuf oo ah u qaybsamaha waxbarashada iyo dhaqanka ee safaarada soomaaliya ayaa ka qayb galay xafladaan isagoo kamid ahaa diblumaasiyiin ay casuuntay jaamacada victoria.
Axmad siciid yuusuf oo munaasibada qudbad kajeediyay ayaa sheegay in jaamacada victoria ay kamid tahay jaamacadaha uganda ee sida dhow ula shaqeeya safaarada soomaaliya gaar ahaan xaafiiska waxbarashada ee isagu masuulka kayahay

Halkaan kadaawo sawirada xaflada