Dhuusamareeb: Magaalo Tag iyo Taariikh Leh W/Q: Col. Maxamed A. Koofi

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dhowaan ayaan safar dalxiis iyo barasho ah ku tagey magaalada Dhuusamareeb oo ah magaala madaxda Galmudug. Maalmo ka hor inta aanan tagin ayey magaaalada iyo deegaanada ku xeeranba ka curteen raxmad Eebe iyo roobabkii guga, waxayna durba dhirtu bannaanka dhigtey calafka iyo cagaarkeeda.

Biyaha, dhagaxa iyo dhirta ayaa cirifyada isla gaarey, waxayna ishaadu qabaneysaa wax aad ku qiyaasi karto Janno adduunyo oo aad dhex joogto.

Taariikh dheer oo baaxad leh ayey leedahey magaaladaan, waxayna caan ku tahey dadka waxtarka ah ee ka soo baxay, kuwaas oo Soomaalida magac iyo waxqabadba ku reebey. Madaxweyneyaal, Raysalwasaareyaal, wasiiro awood badnaa, fannaaniin, ciyaaryahanno iyo qaar kale oo xirfado kale caan ku ahaa ayey magaaladaan soo saartey. Halganadii kala duwanaa ee dalka soo marey ayey sidoo kale, laf dhabar u aheyd magaaladaan, waxaan lagu yaqaanaa magaalo aan waligeed la jabin dadkeeda.

Sidoo kale, magaaladaan ayaa aheyd magaalo Soomaalida oo dhan ay degen yihiin, dhismeyaal iyo ganacsiyana ay leeyihiin dad kale duwan oo ka soo kala jeedaa gobolada kale ee dalka.

Dhowr dhisme oo caan ah ayey magaaladu leedahey, kuwaas ilaa Talyaanigii taagan, waxaana mid ah; sarta Daar-dheer oo aheyd xaruunta maamulkii Talyaanigga, Isbitaalka magaalada oo ay dhiseen maamuladii Talyaanigga, Ejebka magaalada, iyo Iskuulka weyn ee magaalada. Dhowrkaan dhisme ayaa ah kuwa iska soo horjeeda oo aan aad u kala fogeyn.

Deegaano dalxiis oo dabiici ah ayaa ku yaalla magaalada hareeraheeda, kuwaas oo markaad booqato ay ishu ku raaxeysaneyso. Deegaanada Sinadhaqo, Cillaanle, duduma-cadde iyo qaar kale oo magaalada bannaankeeda ku yaala ayaan booqdey, waxaana halkaas ku arkey bii’o dabiici ah oo Eebo u diyaariyey in aadanuhu janna horteed ku raaxeysto. Biyaha jiifa ee rahu ka guuxayo, dhirtuna dul taalo, cowska is qabsadey iyo cadceedda oo sii gaabaneysa inaad isku hesho ayaa ah nasiib aan loo sinneyn.

Deegaanka Cillaanle oo magaalada u jira 15km, ayaan ku arkay dhir mucjiso ah, taas oo si dabiici ah u soo saarta Make-up-ka dunida laga doono. Haruudda gadhuhu wajiga ku dhaashtaan iyo cillaankii oo dabiici ah ayaad si bilaash ah uga daadsaneysa, waxaana hubaal ah in gabar joogta deegaanadaan aysan u baahneyn kiimiko laga keeney China.

Deegaanka Sinadhaqo oo ku yaalla koofurta magaalada ayaa ah deegaan taariikho hore leh, halkaas oo aad ka dheehan ka karto astaamaha iyo calaamadaha ummadihii hore ee ku dhulkaan soo marey, iyo sidoo kale awooweyaashii deegaameeyey. Dhagaxo ay ku xardhan yihiin xadaarado hore iyo luuqado ay lahaayeen umado hore ayaad ku arkaysaa deegaanka. Sidoo kale, waxaa deegaanka ku yaala godod waaweyn, kuwaas oo u eg guryo dhulka hoostiisa ah, lana isticmaali jirey qarniyo hore. Ma lihi aqoonta taarikhaha umadaha, waxaanse dareemayaa in deegaankaas u baahan yahey baaris taariikheed.

Dhagaxa Marpal-ka oo dunida caan ah ayaa dibadda iska yaalla isaga oo dabiici ah, waxaadna kaliya u baahan tahey inaad makiinadda lagu jaro la gaarto ood keensato.

Sida ay ii xaqiijiyeen aqoon yahanno deegaanka ah, dhinaca koofurta iyo bariga waxaa magaalada ka mara wabi biyihiisu dhow yihiin, waxaana musqulaha marka la qodayo dhexda looga dhacaa biyo socda oo ka imaanaya waqooyiga kuna socda koofur-bari. Hore ayaan u maqli jirey sheekada ah in galgaduud ay maraan dhowr webi oo aasmey, qaarkoodna kas loo duugey. Dadka qaar ayaa qaba, in macdanta iyo batroolka ku jira dhulkaan ay xilliyo hore baareen awoodihii dunida heysan jirey, ayna ogaadeen hantida ku jirta, waxaana wabiyada iyo dhulbiyeedkaba loo aasey si aysan ugu badan cagta iyo deegaankuba.

Dhul furan oo ammaan ah oo aad intaad doonto soconeyso ayaa magaalada ku xeeran, waxaadna dhulkaas ku xaroogeyneysaa adiga oo aan ka baqeynin khawaarij, Tuugo mooryaan, tuugo saqajaan, ajaanib ku bahdisha iyo duurjoog naftaada halis galisa.

Marka laga reebo aanooyinka qabiilka iyo laba degmo oo ay khawaarijtu heystaan, Galmudug ma jiraan khatar aad ka welwasho. Konton sano ka hor, odey geed hoostiis la dhigey, ayaa laga yaabaa in aad u dhimato adigoo oo ay suurtagal tahey inaad booqasho u timid muddo dheer kaddib. Aanooyinka iyo isku dhacyada reeraha wada deggan ayaa ah mushkilad weli hortaala dadka reer Galmudug, waxaana rajeynayaa in uu caqligu shaqeyn doono, maamulka iyo dadkuna iska kaashan doonaan xal waara oo laga gaaro arimahaan.

Markaad si qoto dheer leh u fiiriso Amniga magaaladaan iyo guud ahaan amniga Galmudug, waxaa kuu caddaaneysa in aan dhayal lagu keenin, taas oo ka dhigan in dadka deegaanadaan ay wax kasta oo muhiim u ahaa ku badasheen in ay amni iyo xorriyad helaan. Naf, maal, awood iyo dano gaar ah wixii ay lahaayeen ayey bixiyeen reer Galmudug, waxayna taasi u dhashey amni iyo xorriyad, labadaas oo nolosha asaas u ah.

Irdaha laga soo galo magalaada iyo jiira kasta oo dhexdeeda ah, waxaa taalla raadadka iyo qisooyinka jihaadkii ay dadka deegaanadaan ku diidey Khawaarijta iyo intii la socotey, waxaana ku badan magaalada goobaha caanka ah ee isugu jira baro la dhigey amiiro ka tirsanaa khawaarijta dhowr jeer soo weerartey magaalada iyo baro ay ku baxeen mujaahidiin difaacayey dadkooda iyo deegaankooda.

Dhuusamareeb waa magaalo dhacdo dhul dhagax ah, waxaana intaas u dheer, in guri kasta hareerihiisa ama hortiisa la dhigey dhagaxaan aad u badan. Dadka lugaynaya ayaad dareemeysaa in ay dhib ku qabaan habeen iyo maalin. Fuley naftiisa jecel haddaad tahey, waxaa maskaxdaada ku soo dhaceysa, in qofkii doonaya in uu dhibaato ku gaarsiiyo, uu kaliya u baahan yahey in uu laba dhagax isugu kaa qabto, si fudud oo shanqar la’aan ahna kaaga takhallusi karo. Qaar ka mid ah madaxda magaalada ayaan la wadaagey in magaaladu u baahan tahey dhagax ka dhigis.

Dhowr jeer ayaan hore u tagey magaaladaan, iyada oo ku jirtey xaalado kala duwan, hayeeshee safarkaan, ayaan ku arkay magaalada isbadal dhinac kasta. Ciidamo amnigeeda u gaar ah, dowladdeeda hoose iyo golaheeda deegaanka oo shaqeynaya, xaafiisyada wasaaradaha maamulka oo la wada dayac tirey, meelaha qaar oo jidad la dhigey iyo qorsheyaal socda oo lagu hormarinayo magaalada ayaan indhaheyga ku soo arkey, waxaana intaas dareemi kara qof hore u yaqaanney magaalada. Garoonka diyaaradaha iyo waddooyinka soo gala ayey, sidoo kale, ka socdaan howlo hormarin iyo dayac tir ah.

Magaalada Dhuusamareeb, waxaa ka muuqanayaa hormar heerkiisa ah, balse aan gaarin halkii la tiigsanayey. Dhinaca ganacsiga ayaa ah mid aad u socda, waxaana Magaalada mara jidka isku xira gobolada dalka, iyada oo ay halkaas isaga gudbaan socdaalada iyo badeecooyinka ka kala imaanaya gobolada dalka.

Guud ahaan deegaanada Galmudug, gaar ahaan, magaaladaan, waxaa ka hirgeley maamulka dowladda Galmudug, waxaana muuqaneysa in maamulkaani cagahiisa ku istaagey, loona baahan yahey in la sii garab galo, si loo gaarsiiyo halka la tiigsanayo oo ah; dowlad iyo dadkeeda oo isku xiran, sharci iyo amni shaqeynaya, heshiis iyo horu socod bulsho, caddaalad iyo cod bixin loo siman yahey, isku filnaan iyo adeegyo bulsho, maamul iyo maareeyn hufan, wax wada qabsi iyo wax soo-saar, iyo kaabeyaal dhaqaale oo hormarsan.

Dhowaan ayaa xarigga laga jarey Xaruunta Madaxtooyada Galmudug, taas oo ah mid ka mid xaruumaha dowlo ee dalka ku yaala, kuwooda ugu baaxadda weyn, uguna qurxoon. Sidoo kale, xaruumaha wasaaradaha ee dhismayaashooda laga hirgeliyey Magaalada Dhuusamareeb ayaaba ka qurxoon, kana dhulweyn kuwa Federaalka ee ku yaalla Caasimadda.

Xaruunta degmada oo ka mid aheyd xaruumaha aan booqdey, ayaan kula kulmey qaar ka mid ah golaha deegaanka iyo maamulka magaalada oo ku guda jira howlmaalmeedkooda caadiga ah. Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Guddoomiyaha degmada, kuxigeenka degmada, iyo xoghayaha maamulka, ayaan ku booqdey xaafiisyadooda, waxaana sidoo kale, soo marey dhammaan xaafiisyada kala duwan ee maamulka. Guddoomiyaha Degmada iyo Kuxigeenkiisa ayaa iiga war bixiyey waxyaabaha u qabsoomey iyo sidoo kale, halka ay tiigsanayaan. Naqshadeynta magaalada, dhismaha waddooyinka, tirakoobka dadka iyo gaadiidka, hormarinta habka canshuur qaadka, ballaarinta xaruunta degmada, iyo howlo kale oo badan ayaa ka socda magaalada, waxaase meesha ka maqnaa kaalinta dadka ka soo jeeda magaaladaan, kuwooda wax heysta ama madaxda ah.

Biya xireenada magaalada oo soo go’ay ayaa keeney in ay magaalada kala xiraan daadad ka dhashey roobab xooggan oo ka da’ayey magaalada iyo hareeraheeda. Maamulka magaalada ayaa ila wadaagey in ay wadaan qorsheyaal lagu joojinayo daadadka magaalada saameeyey.

Hoteeka BCQ oo ku yaala bartamaha Magaalada ayaa ka mid ah hoteelada ugu heerka sareeeya, kaas oo gaarsiisan heerarka caalamiga. Hoteelkaan ayaa leh adeegyo badan, isla markaana martigeliya madaxda iyo wufuudda Caalamiga. Milkiilaha hoteelkaan ganacsade Bashiir Kheyre ayaa ka mid ah ganacsatada sida aan kala har laheyn u maalgashadey magaalada, isaga hoteelka BCQ iyo ganacsiyo kale ka hirgeliyay magaalada. Dhuusamareeb ayaan tagey, Hoteelka BCQ-na ma tagin waxay ka dhigan tahey magaalada war kama hayo. Teleefanka ayaan kula hadley Ganacsade Bashiir Kheyre, aniga oo uga mahadceliyey geesinimada iyo adeegyada uu ka hirgeliyey magaalada.

Hoteelo kale oo badan ayey magaaladu leedahey, kuwaas oo ay ganacsato reer GM ah ka hirgaliyeen, waxayna dhammaan leeyihiin adeegyo heerkoodu sarreeyo. Markaad joogto Dhuusamareeb, waxaad kala dooraneysaa Hoteelada; BCQ, Galmudug, Caddaani, Badar, Maama Caasha, Dhagacadde, Kooshin, Xalane, Mubaarak iyo qaar kale, adiga oo ka helaya noocyo kala duwan oo adeegyo ah. Maqaayadaha Midnimo, Baar Ayaan, Baar Nimco, iyo qaar kale ayaad ka heleysaa cuntooyin tayo iyo caafimaad leh, iyo sidoo kale, martigelin heerkeedu sarreeyo.

Beerta Dahardheer oo ku taala bannaanka magaalada oo ah aragti ku saleysan aqoon iyo waaya-aragnimo ayuu Ganacsade Cabdullaahi Barre oo ah aqoonyahan ka soo jeeda Galmudug ka hirgeliyey magaalada. Khudaarta, cuntooyinka kale, iyo calafka xoolaha ayaa lagu beeraa halkaan, waana beer nooceeda oo kale ah oo anigu aan cagaheyga dul dhigey. Kuma arag Galmudug beer la mid ah, wuxuuna milkiilaha beerta ii sheegey in, sidoo kale, loo isticmaalo, cilmi baaris iyo tababaro. Cashar iyo tusaale ayey u tahey beertaani mustaqbalka dadka gobolada Dhexe.

Beerta Caasimadda (Capital Garden), ayaa, sidoo kale, ka mid ah goobaha loo nasiino tago ee ku cusub magaalada. Ganacsade Eng. Cabdulqaadir Sabriye ayaa beertaan ka hirgeliyey magaalada, waxaadna ka heli kartaa adeegyo ay ka mid yihiin; jawi qurxoon, cafeteria, maqaayad leh cuntooyin kala duwan, iyo meelo lagu galo sawirada taariikhda leh. Milkiilaha beertaan ayaa intii aan joogey magaalada, afur noogu sameeyey beerta, waxayna noo aheyd maalin iyo afur xasuus leh. Sidoo kale, beertaan ayaa leh qeyb lagu daawado xayawaanka, waxaana markii igu horreysey indhaheygu si caadi ah u qabteen Cawlo dhex mushaaxeysa beerta.

Xaruumo lagu nasto iyo qaar kale oo caruurta u gaar ah ayey hadda ku howlan yihiin ganacsato reer Galmudug ah in ay ka hirgeliyaan magaalada. Xaruunta ugu weyn uguna casrisan oo u gaar ah madadaalada caruurta ayaa hadda dhismaheedu ka socdaa Magaalada, waxayna yeelan doontaa adeegyo kala duwan iyo noocyo badan madadaalo ah.

Dhalinyarada, aqoon yahanka, iyo sidoo kale, odoyaasha magaalada, inta aan la kulmey, waxaa iiga korortey cilmi iyo waxyaabo aanan dunidaba kala socon. Dad furfuran, daacad hadalku caado ka yahey, gacan furan, kaftan badan, yar iyo weynba aakhiro iyo adduun kaaga warramayo ayaan kula kulmey magaalada.

Odey ka mid odoyaasha magaalada ayaan weydiiyey, in uu la socda qorshaha Somaaliya ee xubin ka noqoshada dalladda Bulshada Bariga Africa, wuxuuna iigu jawaabey, “War raggu ma iyagaa nagu soo biiraya mise innaagaa ku biireyna?” Innaga ayaa ku biireyna ayaan ugu celiyey, wuxuuse iska woo jarey “oo maxaa innaga dhaxeeya, maxayse heystaan oo ay nagu darsanayaan?”

Dhinaca ciyaaraha, magaaladaan ayaa ah magaalo sport, waxaana ku yaala garoomo badan oo lagu ciyaaro. Dhowr jeer oo aan la ciyaarey kubadda cagta, ayaan halkaas kula kulmey dhalinyaro leh hibo kubadeed, inkasta oo aysan marna iga badin.

Haddaan ahaan lahaa, dhaqtar caafimaad, dadka ka cabanaya cunto xumida iyo caabuqyada caloosha, waxaan u qori lahaa in ay bil kaliya ku soo qaataan Magaalada Dhusamareeb. Cunto nadiif ah, organic ah, carafteedu ruuxaanta soo dejineyso, aan caloosha ku qormeyn ee isla markiiba nafaqo u guureysa, hawo nadiif ah oo caafimaadkeeda wadata, ayaad ka heleysaa magaaladaan. Haddii aad joogto Magaalada Dhuusamareeb, waxaad awooddaa in aad maalintii 10 jeer wax cunto, adiga oo aan marna dareemin culeys calooleed.

Si guud ayaan ugu mahadcelinayaa dadka reer Dhuusamareeb, si gaar ahna waxaan ugu magadcelinayaa dhalinyarada, madaxda iyo akhyaarta kale ee waqtigooda iigu deeqey inta aan joogey magaalada.

“Taariikh ma heysid adoon Dhuusamareeb tagin.”

Col. Mohamed Aden Kofi, Ph.D