Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed, iyadoo socdaalkiisa la xiriiro arrimo kala duwan oo uga weyn tahay amniga iyo dib u habeynta Ciidamada.
Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socda Baydhabo, iyadoo koox hordhac u ah safarkiisa ay maalin ka hor gaareen magaalada, waxaana waddooyinka magaalada laga taagay boorar sawirradiisa ah iyo halku dhegyo lagu soo dhoweynayo.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa in dhowr cisho uu joogo Baydhabo, sidoo kale waxaa uu safaro ku tagi doonaan deegaanada Maamulka Koofur Galbeed ee amnigooda gacanta lagu haayo.
Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ayaa maamulka koowaad ee si dhow u taabacsan