Maxaa kasoo baxay Kulankii Axmed Madoobe iyo Saraakiishii Sirdoonka Itoobiya?

Wararka Maanta

Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in natiijo la’aan uu ku dhamaaday kulan saddex saacadood qaatay oo u dhaxeeyay Saraakiil ka socotay Sirdoonka Itoobiya iyo Madaxweynaha Jubbaland oo ay wehliyeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jubbaland.

Saraakiisha ka socday Qeybta Sirdoonka Milateriga Itoobiya ayaa labo qodob hordhigay, kuwaasoo kala ah 1- in dib loo furo waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta, si firsad loo siiyo Musharaxiinta mucaaradka si ay isugu diiwaan geliyaan 2-in la qaado xayiraadii Golaha Wasiirada Jubbaland saareen Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka inay tagaan Kismaayo.

Ilo wareedyo ku sugan Kismaayo oo isugu jira Mas’uuliyiin ku dhow Maamulka Axmed Madoobe iyo Xildhibaanada Federaalka ka socda ayaa ii sheegay in dalabka labadaas qodob ee ay soo jeediyeen Saraakiisha Sirdoonka Itoobiya loogu jawaabay in arrinta ah in dib loo furo waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta ay u taalo Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Jubbaland ay leeyihiin xeerar iyo habraacyadii lagu dhisay, taasna ay go’aankeeda leeyihiin, qodobka kale ayaa ah in arrinta xayiraada laga qaado Mas’uuliyiint dowladda Federaalka uu yahay go’aan ay gaareen Golaha Wasiirada Jubbaland, isla markaana lagu celinayo Golaha haddii wax laga bedelayo iyo haddii kale.

Intaas kaddib Saraakiisha ka socday Sirdoonka Itoobiya ayaa dib ugu laabtay Muqdisho oo markii hore ay ka soo ambabaxeen, kaddib markii ay maalin ka hor si qarsoodi ah ku yimaadeen.

Xigasho: Jowhar News