Midowga africa oo laga dalbaday inuu ergay umagacaabo soomaaliya iyo kenya

Wararka Maanta

War murtiyeed ka soo baxay Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo dhowaan shir gaar ah ka yeeshay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa loogu baaqay labada dhinac inay ka fogaadaan ficil kasta oo khatar gelin kara xiriirka deris wanaagga ee ka dhaxeeya labada dal.

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u magacaabo Ergey gaar ah oo dhinacyada kala shaqeeya sidii loo heli lahaa degenaansho, xal nabdoon, wadatashi iyo wada shaqeynta qaababka gobolka la xiriira

Sida ka muuqata war murtiyeedkan daraf saddexaad inuu soo galay arrintan, waxaana la is weydiinayaa waxa isku soo beegay go’aanka Maxkamadda ee ay dib ugu dhigtay labo bilood dhageysiga dacwadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa waxa ay ka qabto in daraf saddexaad uu soo galo, waxaana haddii ay aqbasho Ergeyga la doonayo in Midowga Afrika soo magacaabo waxay dhaawac weyn u geysan kartaa dacwadda taala Maxkamadda ICJ, isla markaana sii fogaaneysa in dacwada lagu kala baxo.

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka:-