Alvaro Morata Oo Doonaya In Chelsea Uu U Qaado Champions League

Ciyaaraha

Weeraryahanka Chelsea Alvaro Morata ayaa qirtay inuu doonayo inuu gacanta ku dhigo koobka Champions League xilli ciyaareedkii labaad.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa qeyb muhiim ah ka qaatay guushii Real Madrid ee xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay seddex gool sagaal kulan oo uu saftay.

Morata, ayaa sidoo kale ka ciyaaray finalka iyadoo kooxdiisa Juventus ay 3-1 uga badisay Barcelona sannadkii 2015, waxaana ay rajeynayaan inay mar kale ku celiyaan xilli ciyaareedkan iyadoo Chelsea ay dib ugu soo laabatay tartanka UEFA.

“Waa tartan cajiib ah,” ayuu u sheegay website-ka kooxdiisa. “Dhamaan kooxaha aan u ciyaaray Champions League, waxaan gaaray final, waxaana rajeynayaa inaan sidaas sameeyo sanadkaan.

“Aad ayay u adag tahay inaad ku guuleysato Champions League, lakiin waxaan qabaa inaan heysano koox fiican, iyo maskax fiican oo aan sameyn karno waxyaabo fiican.”

Morata ayaa seddex gool iyo labo kale caawiye ka ahaa Chelsea tan iyo markii uu kaga soo biiray Madrid heshiis rikoor ah  xagaagii la soo dhaafay, lakiin waxa uu ahaa mid aan la isticmaalin markii ay 6 gool kaga badiyeen Qarabag kulankii Champions League ee bartamihii Isbuuca.

W/Q Hafsa haji