SALKA KHILAAFKA GALMUDUG W/Q: Ilyaas M. Xuseen

Wararka Galmudug Wararka Maanta

SALKA KHILAAFKA GALMUDUG

Si loo fahmo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug waa in la fahmaa horta yaa ishaya maxaase laysku hayaa?.

Galmudug tan iyo heshiiskii lala galey Ahlusuna iyo qaabkii heshiiskaa loo dhameystirey waxaa ka yimid cabashooyin ay qabaan beello dega Galmudug oo aamminsan in lagu tuntey Dastuurkii Galmudug beelluhu ku heshiiyeen iyo awood qaybsiga beellaha dega Galmudug. Arrimaha ugu weyn ee laysku hayo ayaa waxaa ka mid ah :

1. Ahlusuna oo diidan in tirada Xildhibaanada ka imaanaya Galmudug lagu qaybsado qaabkii hore ee lagu soo xuley xildhibaanada Galmudug in beel walba la siiyo tiradii Xildhibaanada ay hore u haysatey. Taa bedelkeeda Ahlusuna waxey la soo shir tagtey Xildhibaano ka tira badan kuwii hore ee Baarlamaanka Galmudug ka koobnaa waxey kaloo jibisey awoodii qaybsigii beellaha dega Galmudug wax ku soo qaybsadeen xilligii la dhisayey Galmudug iyaga oo u kala sad badiyey tirada beellaha. Dooda Ahlusuna ayaa ah in iyagu qabiil ahayn balse urur yihiin.

2. Dastuurka cusub ee Galmudug waxaa mudo kororsi loogu sameeyey Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmudug waxeyna xilligooda ka bilaabmayaa 26.03.2018 mudada lagu kordhiyeyna waa 4 sano taas oo macnaceeda in Xaaf madaxweyne ka sii ahaanayo Galmudug ilaa iyo 25.03.2022-da waxaana arrintaa khilaafeysaa heshiiskii Galmudug lagu dhisey ee ahaa in Baarlamaanka Galmudug xilligiisu yahay 4 sano laga bilaabo May 2015 kuna dhamaanayo bisha May 2019-ka, mudadaas ka hor in Xildhibaanno cusub lagu soo xulo kadibna doorashada madaxweynaha cusub ee Galmudug ay dhacdo ugu danbeyn July 2019.

3. Madaxweyne Xaaf iyo madaxda Ahlusuna waxey qabaan in Galmudug 4 sano cusub u bilaabantey, Xildhibaanada dheeriga ah ee Ahlusuna keensateyna oo 20 gaaraya in sidooda Xildhibaanno ku ahaadaan awood qaybsiga beellaha Galmudug degta in la eegin madaama Ahlusuna urur diimeed yihiin.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo beellaha wax ka dhistey Galmudug qaar kamid ah waxey qabaan in Dastuurka Galmudug hore la dhowro oo doorasho madaxwynaha Galmudug la aado 2019 iyo in la dhowro awood qaybsiga beellaha dega Galmudug habkii hore ee Xildhibaanada u qaybsadeen iyo in Ahlusuna tiro dheeri ah Xildhibaanno ah loogu darin lana siiyo tiro la eg tiradii hore ee ka koobnaayeen Xildhibaanada Baarlamaankii hore ee Galmudug.

4. Reer Cadaado waxey qabaan in Baarlamaanka Galmudug ku shaqeeyo magaalada Cadaado sida uu hore Dikreeto ugu soo saarey madaxweyne Xaaf asaga oo raacayey talo soo jeedintii madaxweyne Formaajo xilligii uu safarka ku marayey Galmudug. Arrintan ayaan lagu xusin Dastuurka cusub ee Galmudug ee lagu diyaariyey Dhuusomareeb.

5. Dowlada Federaalka waxey qabtaa in Galmudug xilligeeda ku eg yahay 2019 bartamaheeda ka horna la soo xulo Xildhibaanno cusub lana dhowro awood qaybsiga beellaha Galmudug degta nidaamkii ay hore wax ugu qaybsan jireyn.

Waxaa kaloo jiri kara cabashooyin ay beello qaar ay qabaan oo aniga la socon.

W/Qorey: Ilyaas Maxamuud Xuseen

Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Galmudug