Home > Wararka Maanta > Hay’adda duulista hawada oo beenisay inay xayirtay duulimaadyada aada kismaayo

Hay’adda duulista hawada oo beenisay inay xayirtay duulimaadyada aada kismaayo

Wararka Maanta

 

Maareeyaha Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in la xanibay duulimaadyadii Kismaayo muddo Saddex cisho ah, balse wuuu tilmaamay in shirkadaha ku wargeliyeen oo kaliya inay hay’adda 24-saac ka hor ku soo wargeliyaan duulimaadyada ay ku aadayaan Kismaayo.

Maareeyaha ayaa sheegaya in hadalka ay ka maqleen oo kaliya warbaahinta, iyadoo xusid ay mudan tahay in shalay oo taariikhda ku beegneyd 24 September uu dhaqan galay amarkii xayiraadda lagu saaray duulimaadyada Kismaayo.

“Waxaan warbaahinta ka maqlayey in Kismaayo la xiray oo diyaaraduhu tagi karin, iyadoo la leeyahay illaa 26-ka bishan laga gaaryo diyaaraduhu tagi karin, waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed iney u sheego inaanay jirin wax si rasmi ah uga soo baxay dowladda Soomaaliya iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed oo xadidaya diyaaradaha u duulaya Kismaayo, wax walbo waa caadi, waxa jira oo kaliya ammar kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku amraya diyaaradahaasi in 24-saac kahor inta aanay aadin Kismaayo ay soo codsadaan fasax taasna waa caadi” ayuu yiri Axmed Macalin.

Shirkadaha Duulimaadyada rayidka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in lagu wargeliyay in aanay Kismaayo u duuli karin muddo saddex maalmood laga bilaabo 23 illaa 26 bishan, ayna dhaqan geliyeen amarkaas, waxaana ay xuseen in iyadoo ay markii hore aqbaleen amarkii ka soo baxay hey’adda oo ahaa inay fasax qaataan 24 saac ka hor, uu hadana ka daba yimid go’aan kale oo lagu hakiyay muddo saddex maalmood ah duulimaadyada Kismaayo.

Hadalka ka soo yeeray Maamulka Hey’adda Duulista Hawada ayaa u muuqda mid aan ka turjumeyn xaqiiqada dhabta ah, maadaama shalay iyo maanta aanay Kismaayo ka degin wax diyaarad duulimaadyada rayidka ee maalinlaha ahaa.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!