Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in Muwaadiniin Turki ah lagu dilay qaraxii weynaa ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Ex Koontarool Afgooye.
Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa xaqiijiyay in labo Muwaadin oo Turki ahaa ay ku dhinteen qaraxa, sida ay ka soo xigatay Wakaalada wararka ee Anadolu.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga ay saarnaayeen muwaadiniinta Turkiga uu ahaa kuwa aanay xabadaha karin, ayna la socdeen Ilaalo Soomaali ah.
Labadan Muwaadin u dhashay Turkiga ayaa ahaa Engineero ka tirsanaa Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo qaadatay qandaraaska dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Tirada dadkii ku dhintay qaraxii saaka ayaa ku dhow 100 ruux, halka dhaawacuna ka badan yahay, qaraxa ayaa dhacay xilli wadadu mashquul aheyd, gawaari badan oo ka baxayay Muqdisho iyo kuwa ka yimid Afgooye ayuu qaraxa qabsaday.