RW Kheyre oo furay shir looga hadlayo fatahaadda Beledweyne

Wararka Maanta

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir ku saabsan fatahaadda wabiga shabeelle iyo Barakaca ka socda Magaaladaas.

Shirkan oo uu Ra’isalwasaaraha ka furay Xarunta Madaxtooyada dalka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgelaya Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Waxaa kale oo ka mid ah xildhibaanno,Guddiga ka hortagga Musiibooyinka Qaranka,Ganacsato iyo Hay’adaha aan dowliga ahayn ee gudaha dalka ka howlgala.

Waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa mushkiladda hadda ka taagan Beledweyne oo sababtay in dad ka badan 120,000 oo qof ay ka barakacaan Mafaalada.

Wasaaradda Gargaarka iyo musiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegtay in guud ahaan fatahaadda Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ay ka sameeyeen Gobollada dalka ay ku barakaceen dad gaaraya 430,000 oo Qof.

Xigasho: Radio Mustaqbal