Sadkii Naafadda Soomaaliya inta Badqabta ayuu ku maqan yahay!!.

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Sadkii Naafadda Soomaaliya inta Badqabta ayuu ku maqan yahay!!.

Dalkeena hooyo ee Soomaaliya oo in ka badan 20 ay kasocdeen Dagaalo Sokeeye hadana wajaha kuwo diimeed waxaa sii kordhaya dadka naafada ee dalka ku nool, kuwaasoo badi ku waxyeeloobay hubkii la isku adeegsanayay. Inkastoo aanu jirin tira koob sax oo muujinaya tirada dadka naafada ah ee Soomaaliyeed, haddana waxaan shaki lahayn in aad u badanyihihiin adigoo dariiq walba kula kulmaya dadkaas naafada ah ee dayacan.

Sida uu qabo heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda dadka Naafada ah iyo Bartakoolka Khiyaariga ah ee 2006 oo ay saxeexeen dhamaan dawladdaha dunidu (CRPD) qodobkiisa 1-aad waxa lagu qeexaa Macnaha dadka naafada ah in uu yahay qof kasta oo aan jidhkiisu uusan dhamaystirnayn sida Araga ,Maqalka,Urinta,Socodka waxaana loo qeybiyay Noocyada Naafanimada Shan(5)qaybood oo kala ah Naafada Mudada Dhow, Naafada Mudada Dheer, Naafada Maskaxda,Naafada Jidhka iyo Naafada dareenka.

Ayadoo laga Duulayo Sharcigaan iyo Sharuuco kale oo Wadamadu gooni ugu qeexeen xaquuqda waxa ay Dunidda intooda badan Tixgalin gaara siiyeen Dadkaas baahiyaha gaarka ah qaba waxayna helaan Shaqo,Cafimaad,Waxbarasho,iyo daryeel balse Dalkeena way adag tahay in dadkaasi helaan waxa qofkasta xaq u lee yahay waxaana muuqata in aanba lagu talo galin in dalka aya wax ku leeyihiin,Baarlamaanka Somalia macadayn Xaquuqdii Naafadda oo Qayaxan waana mid kamid ah Cadalaad darada Dalka ka jirta Adeegyadii Bulshada waxaa la saaray dabaqyo dheer dheer ama goobo loo dhisay dadka tilaabsanaya ee lixdooda Lixaad qaba,

Intaas waxaa sii dheer Nayadjabin Joogto ah oo lagu hayo Muwaadinka Baahidda gaaarka ah qaba sida in Halbeeg ama tusaale Xun laga dhigto waxaana kamid ah wax yaabaha Dhagaha Naafadda ku ku dhaca mar kasta,Jiis-Jano magalo, Allow Curmaan Caga laaban iga dhig,hebel wuu na Curyaamiyay, iyo Kalmado kale oo lamida, tani waxay dhalisay in Sadkii Naafaddu Gacanta ku galo kuwa badka qaba

Naafanimadu maaha wax qofku doortay ee waa abuuris alle oo Cilmigiisa Saliimka ku go aamiyay Asagoo garashuudiisu ay Faaiido ugu jirto ruuxa Naafadda ah iyo Dadka iyo Dunidda inteeda kale, Naafadnimaduna caqabad maaha marka laga reebo midda Maskaxda ah oo gasha xitaa kuwa Ordaya lehna caqli ay ku joogan Koonka laakiin waxaa jira Kumanaan kasoo wax soo saar badan dadka Jir ahaan Fiyoow, balse dhibtu waa deegaanka,Hab-dhaqanka dadka iyo dhaqaalaha waxayna ka hortaagan in dadka naafada ahi ka qaybqaatan arrimaha danahooda, waana kuwaas kuwa ka faquuqaya bulshada inteeda kale Marka la joogo Dal Somalia oo kale ah.

W/Q:Ali Yare Abdiwahab Aden

Share dheh Walaal oo raadi Xaqa Naafadda