Rag Shabaab Ka Tirsan Iyo Walxaha Qarxa Oo Doolow Lagu Soo Bandhigay+Sawiro

Wararka Maanta

Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubaland ayaa degmada Doolow ee gobolka Gedo kusoo bandhigay afar nin oo ku eedeysan in ay ka tirsanyihiin maleeyshiyaadka Al-shabaab iyo waxlaha qarxa oo la sheegay in lagu soo qaqabtay.

Raggan ayaa waxaa laga soo qabtay mid kamid ah xaafadaha magaalada Baladxaawo, waxaana gacanta kusoo dhigay ciidamada ammaanka degmadaasi.

Wasiirka amniga Jubaland C/rashiid Xasan C/nuur ayaa warbaahinta u sheegay in raggani ay qaraxyo ku sameeynayeen gudaha degmada Baladxaawo, ayna qabeen tabababarro dhanka qaraxyada ah.

Wuxuu mahadcelin u jeediyay shacabka iyo ciidamada ammaanka ee iska kaashaday sidii gacanta loogu dhigi lahaa raggaasi.

Hoos Ka  Daawo Sawirada