Iscasilaadda Wasiirada Cusub ee Hirshabeelle oo sii socota

Uncategorized Wararka Maanta

Wasiirkii labaad oo ka tirsan Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa iska casilay xilkii uu u magacaabay Madaxweyne Waare, iyadoo ay sii kordheyso xiisada ka dhalatay magacaabista Golaha Wasiirada, oo ay ka hor-yimaadeen Xildhibaanada Hirshabeelle.

Wasiiru dowlaha Amniga iyo Dhaqancelinta Muxsin Muxumed Sheekh Shafeec ayaa xalay iska casilay, xilkiisa, waxaana uu sababta is casilaadiisa uu ku sheegay in uusan ku qanacsaneyn xilkaas.

“Waxaa iska casilay xilka la ii magacaabay oo ah Wasiiru dowlaha Amniga iyo Dhaqancelinta Hirshabeelle, sababtana waa in aan ku qanacsaneyn xilkaas”ayuu yiri Muxsin oo la hadlayay warbaahinta maxaliga.

Arbacadii ayay aheyd markii uu is casilay Wasiiru dowlihii Boostada iyo Isgaarsiinta Hirshabeelle, saacado kaddib markii uu Madaxweyne Maxamed Cabdi waare uu ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa hada wajahaya culeys uga imaanaya Xildhibaanada, maadaama Golihiisa Wasiirada uu ka ilaaliyay in Xildhibaano inuu ku soo daro, marka laga reebo shaqsiyaad kooban, waxaana jirta cabsi laga qabo in Baarlamaanka uu diido in la ansixiyo.