Taliyaasha Amisom Oo Wada Qorshe Ay Kaga Baxayaan Soomaaliya

Wararka Maanta

Taliyayaasha Ciidamada AMISOM ayaa lagu wadaa in ay maalinta berri ah kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho ugana hadlaan qorshaha ka bixitaanka AMISOM  ee Soomaaliya.

Lixda Taliye Ciidan ee AMISOM oo kala ah, Ugadna, Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Burundi  ayaa berri ku kulmaya Magaalada Muqdisho waxaana ay dejinayaan wajiga ugu dambeeya ee qorshaha AMISOM kaga baxeyso Soomaaliya.

Arrintan waxa ay la dhalatay kaddib Guddiga nabadda iyo amaanka Midowga Afrika oo booqasha ku yimid Muqdisho sidoo kalena tagay xarumaha dowlad Goboleedyada.

Guddoomiyaha Wafdiga ka socday Midowga Afrika qeybtiisa Nabadda iyo amaanka waxaa hoggaaminayay Maxamed Idiriis oo ah Danjiraha Dowladda Jabuuti ee Itoobiya iyo Midowga Afrika.

Waxaa uu Wafdiga ka koobnaa 27 xubnood,waxaa ay Muqdisho iyo dowlad Goboleedyada kula kulmeen Madaxda dowladda Federaalka ah,kuwa Dowlad Goboleedyada, Madaxda AMISOM iyo kuwa Qaramada Midoobey.

Maxamed Idiriis waxaa uu sheegay in qiimeyntii ay sameynayeen ay ka soo baxday rajo wanaagsan islamarkaana uu meel fiican marayo qorshaha kala guurka ee AMISOM ay amaanka dalka ugu wereejineyso dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu intaas ku daray in Taliyayaasha kulama 30ka Bishan November ay soo saari doonaan tubta ugu dambeysa ee 2019 ilaa 2021 ee ay Ciidamada AMISOM uga baxayaan dalka Soomaaliya.

Kulanka Taliyayaasha kaddib waxaa xigi doona kulan ay yeelanayaan Waddamada Ciidamada ku yaboohay SOomaaliya,kuwaas oo iyana ka hadlaya habka ugu wanaagsan ee AMISOM uga baxeyso Soomaaliya.