Qormo:- Maxaa Xigi Doona Kalsooni Kala Noqashadii Guuleed?

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

fb_img_1484088177218

Qormo:- Maxaa Xigi Doona Kalsooni Kala Noqashadii Guuleed.
4 Julay 2015 ayaa Mudaneyaasha Baarlamaanka Galmudug ay Madaxweynaha Maamulkaasi u doorteen Cabdi Kariim Xuseen Guuleed.

Musharaxiintii ku tartamay doorashada Hogaanka Galmudu Ayaa kala Ahaa:
Cabdi Kariin Xuseen Guuleed
Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan
Axmed Macalin Fiqi
Maxamed Cilmi Afrax
Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid
Xasan Maxamed Nuur Qalaad.

Haseyeeshee Wareeggii ugu dambeeyay Doorashada Waxaa isugu soo haray Xildhibaan Axmed Macalin Fikhi Iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed halkaas oo ugu dambeeyn Baarlaamnka Galmudug ay Maxadxweyne ugu doorteen Cadikariim Guuleed kadib markii uu helay 48 Cod halka Xildhibaan Fikhina uu Helay 40 Cod.

Ereyada Khudbaddii ugu Horreysay ee ka hoorjeediyay Mudanayaasha Baarlamaanka Doorashada kadib Wuxuu Guuleed ku Yiri “Waxaan ballanqaadayaa in aan nabad kuwada noolaano maamul gobaleedyada dariska nala ah oo ay Buntland ugu horreyso, Galmudugta Cusub Waxay Gogol nabadeed u dhigeysaa Maamulka Culima’udiinka Ahlusunna Waljamaaca, Waxaana Hortiina ka ballanqaadayaa in wixii hore “Canaab Ceel Laga Soo Qaado”
Nasiibdarro muddo Sanad ah kadib waxaa soo Shaacbaxay khilaaf xagga Siyaasadda oo uu wajahay Guuleed, waxaana Siyaasiyiinta iyo xubnaha ku jira maamulka Galmudug ay ku dhaliilayeen in uuna waxba ka qaban dhammaan wixii laga filayay dhismihii iyo dib u ballaarintaa dowlad gobaleedka Galmudug.

Bartamaha Sanadkii tagay ee 2016 waxaa sii xoogeystay Qilaafka siyaasiga ah ee hareeyay Galmudug, Xubno ku jiray Golaha Wasiirada Maamulkaasi ayaa iska Casilay Xilalkii ay hayeen iyagoo ku dalbanayay in isbadal lagu sameeyo Hogganka Galmudug.

Khilaafka ayaa Saameeyay Howlihii laga sugayay Maamulka Galmudug, Waxaa lagu guuldareystay Ballanqaadyadii uu Sameeyay Guuleed ee la xiriiray dib u heshiisiinta iyo wadahadal lala furo Culima’udiinka Ahlusunna Waljamaaca, waxayna taasi sababtay in Galmudug ay soo dhaafi weysay Xaruntii KMG aheyd ee Magaalada Cadaado.

Barlamaanka Galmudug oo tiradoodu ay tahay 89 Mudane October 24 2016 Qaar kamid Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug Waxa ay Mooshin kadhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi u gudbiyay Guddoomiye ku xigeenada Kowaad iyo Labaad, waxayna ku Eedeeyeen Guddoomiye Cali Galac Casir in uu ishortaag ku sameeyay kulamdii iyo waajibaadkii loo idmaday baarlamaanka galmudug.

Isla October 24 2016 Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa soo gabagabeeyey Kala Fadhiga 2-aad ee baarlamaanka Galmudug,wuxuuna ku dhawaaqay in ilaa bilowga bisha koowaad ee Sanadka 2017 ay fasax yihiin xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.

Sabtidii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegneyd Jan 07 2017 Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa Markale ku dhawaaqay in muddo 45 Cisho ah loo kordhiyay Fasixii ay ku maqnaayeen Mudaneyaasha Baarlamaanka, Isagoo ku maceneeyay in Xaalado Abaaro ah ka jiraan deegaanada Galmudug, balse Arrintaas ay dhalatay Su’aalo badan oo arrintaan iska weydiinayeen Siyaasiinta Kasoo jeedda Maamulkaasi.

Maalintii Axadda “08 Bishaan” 56 mudune oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Ogolaaday in Mooshin Xil ka qaadis ah laga keeno Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed, taasoo ugu dambeyn Barqanimadii maanta oo Talaado ah dhalisay in ay fariistaan 54 Xildhibaan islamarkaana uu shirgooddoon u ahaa Guddoomiye Ku xigeenka 1-Aad ee Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, iyagoo kulankooda kadib sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Guuleed, si KMG ahna xilkaasi loogu dhiibay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi Maxamed Caashi Cabdi.

Xubanaha Kalsoonida Kala Laabtay Guuleed ayaa ku eedeeyay in maamulka uu ku guuldareystay waxkaqabashada Arrimaha Dib u heshiisiinta iyo tallaabooyin kale oo laga sugayay in uu maamulku waxkaqabto.
Saacado yar kadib markii Go’aankaasi uu soo baxay waxaa Shir Jaraa’id Magaalada Muqdisho ku Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, isagoo sharci darro ku tilmaamay Go’aankii ay gaareen 54-ka mudane ee maanta kalsoonida kala laabtay.

Mudane Guuleed Ayaa Yiri “Arrintaan Waxaa Soo Abaabulay Dad doonaya in burburiyaan Galmudg, arrinta maanta dhacday waa sharci darro sababtoo ah majirin sharciyad u ogalaaneysay in baarlamaanku ay kulmaan maadaama ay fasax sharci ah ku maqnaayeen guddoomiyihii baarlamaanka oo dalka joogana aanu waxba kala socon”
Hadaba Maxaa Sal u ah Khilaafka Hareeyay Galmudug?

Dadka ka Faallooda arrimaha Siyaasadda ayaa Su’aalo badan iska weydiinayay Siyaasadda Hoggaamineed ee Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyadoo dhaliisha ugu badan ay uga imaaneysay Siyaasaddiisa aan Salka ku fadhiyin!!.

Tusaalaha ugu dambeeyay ee lagu soo hal qabsanayay maalmihii ugu dambeeyay ayaa ahaa in uu Mudane Guuleed ka leexday dariiqii siyaasadeed ee Saaxiibadii Dowrka Culus ku lahaa in uu ku guuleysto Doorashadii Cadaado ee Madaxweynaha Galmudug loogu doortay, waxeyna Xaaladda maanta taagan ee kalsoonida loogala laaabtay ku sifeeyeen in ay tahay mid abaabulkeeda iyo soo shaacbixinteeda ay lug ku lahaayeen Saaxiibadiisii Siyaasadda ee uu shalay shakiga ku beeray.

Gunaanadkii Qormadeyda ayaan isku Weydiiyay Cabdikariim Aragnayee Waa kuma Madaxweyne Gobaaleedka Xiga ee Mari doono Wadada uu maanta Maray Mudane Guuleed?

Hadaba Aragtidaada Kasoo Dhiibo.

W/Q:- Ismaaciil Mukhtaar Cumar.

Comments are closed.