Guddi Wasiiro ah oo gaaray Galgala

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya degaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay gaareen Wasiiro ka tirsan maamulka Puntland.

Wasiiraddaan ayaa waxa ay yihiin Guddi loo xilsaaray baarista dhibaatadii dhawaan ka dhacday degaanka Afurur ee gobolka Bari.

Markii ay gaareen degaanka Galgala ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ee ku sugan degaankaasi, kuwaa soo dagaal kula jira Kooxda Daacish.

Wasiirka Amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo ka mid ah Wasiirada Galgala ku sugan ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada maamulka Puntland dhawaan ay bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Bari.

Wasiiraddaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay ku sugnaayeen degaanka Afurur oo dhawaan Al-Shabaab ay ku xasuuqeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.