Nin Sooma ali ah oo Noqday Wasiirka Socdaalka dalka Canada

Wararka Maanta

Axmed Xuseen oo ah nin Soomali asalkiisu yahay ahaana mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Canada ayaa Ra’isal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau uu u magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka (The minister of immigration) ee dalka Canada.

fb_img_1484087793322

Mudane Xuseen ayaa caawaba xilkaasi loo dhaariyay, wuxuu gallaya taariikhda dalka Canada iyo ta Soomaalida labadaba, isagoo noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee abid ka gaadha darajo heer wasiir ah dalalka galbeedka.

Axmed Xuseen ayaa ku dhashay dalka Soomaaliya sannadkii 1975 kii, waa 42 sanno jir, wuxuu dalka Canada soo gallay 1991 kii oo uu ka hellay magangalyo qaxoontinimo.

Sannadkii 1996 kii ayuu degay degmadda Regent Park ee magaaladda Toronto halkaasi oo uu noloshiisa ka bilaabay, wuxuuna ka baxay Hamilton University oo uu ka qaatay shahaadada Cilmiga taariikhda iyo siyaasadda, isagoo sannadkii 2012 kiina ka qaatay jaamacadda Ontario shahaadada sare oo uu ku qaatay culuumta sharciga (LAW).

Isla sannadka 2012 ayuu shaqadiisii ugu horaysay ka bilaabay baarlamaanka degmadda Ontario oo uu ka noqday kalkaaliye.

Isla sannad ka dibna wuxuu sameeyay mid ka mid ah ururadda dhinaca bulshadda ee ugu waaweyn dalka Canada ururkaasi oo loo yaqaanay Regent Park Community Council, wuxuu maamulaayay lacag dhan 500 milyan oo dollarka maraykanka ah oo dawladda dhexe ugu tallo gashay inay ku qurxiso deeganka Regent Park.

Wuxuu sidoo kale sameeyay urur u adeega bulshada Soomaalida ee ku nool dalka Ururkaasi oo loo yaqaano Canadian Somali Congress.

Bishii December ee sannadkii 2014 ayaa loo doortay inuu noqdo mudane ka tirsan aqalka baarlamaanka ee dalka Canada, isagoo noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee abid ee dalalka reer galbeedka darajada ka gaadha.

Tagged