Qisada: Lamaane Dhagoolo ah oo ku Aqal galay Cadaado

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Lamaane Dhagoolo ah ayaa caawa ku aqal galay Xaafadda Bakiin Magaalada Cadaado, Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud waa 25 jir dhagool ah oo ka xamaasha Suuqa Magaalada Cadaado, waxa ayna guur ku heshiiyeen Zahra Daahir Maxamed oo 20 jir.

Kadib muddo ay sheeko wadaag ahaayeen ayey ugu dambeyn  caawa Aqal galeen, labada Qoys ay lamaahana  ayaa gacan weyn ka geystay sidii loo rumeyn lahaa himilada ah in Cabdirisaaq iyo Zahra reer yagleelaan.

Inkastoo ay dhago la’aan ay tahay naafanimo hadan lamaanahaan kama joogsan in ay ka dhabeeyaan jaceylkooda. Lamaanahaan ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin nolosha  cusub.

Guurka Lamahaan ayaa dhiirigalin u ah dhalinyaro badan oo naafo ah, kuwaas oo ka cabsi qaba in ay helaan qof ay nolol la wadaagaan, Sheekada Guurka Cabdirisaaq iyo Zahra ayaa aad looga hadlayaa Magaalada Cadaado.