Maxuu yahay Ajandaha Kulanka Golaha Shacabka ee Maanta?

Wararka Maanta

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ka leh miisaaniyadda sanadka 2018, kaasoo dhowaan loo soo gudbiyay, kaddib markii ay ansixiyeen Golaha Wasiiradda.

Miisaaniyadda sanadkan 2018 ayaa ka badan tii sanadkii hore, waxaana lagu kordhiyay 14-milyan oo dollar, sanadkii hore ayay aheyd 260 milyan, halka sanadkan ay tahay 274 milyan.

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ayaa soo akhriyay miisaaniyadan iyo qaababka lagu saleeyay, iyadoo la qabtay dood dadweyne oo lagu faah faahinayay miisaaniyaddan.

Xildhibaanada ayaa maanta akhrinta labaad marinaya miisaaniyadda sanadka 2018, iyadoo kaddib dood adag ka yeelanaya.

Waxaa lagu wadaa dooda kaddib in Xildhibaanada golaha shacabka ay cod u qaadaan miisaaniyadda si loo ansixiyo, waxaana qorshuhu yahay in miisaaniyadda la ansixiyo ka hor inta aan kulamada baarlamaanka la soo xirin 16-ka bishan.