Laftagareen oo magacaabay gudiga soo xulaya baarlamaanka 2aad ee koonfur-galbeed

Wararka Maanta

Madaxweynaha Maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya dhismaha baarlamaanka 2aad ee Koofurgalbeed.

Guddigan oo ka kooban 10 xubnood oo labo ka mid ah ay yihiin dumar waxaa ay ka mid ah guddoomiye,guddoomiye ku xigeen iyo xoghayn.

Lama oga qaabka ay u soo xuli doonaan guddigan xildhibaanada baarlamaanka iyadoo hore ay baarlamaanka u soo xuleen oday dhaqameedyada beelaha.

Halkan ka akhriso magacyada Guddiga

1.Maxamed keerow Maxamed Guddoomiye
2.Mudixiin Aaadan Ibraahin Guddoomiye ku xigeen
3.Aadan Maxamed Cali Xoghaye
4.Mowlid Xasan Axmed
5.Jaylaan Maxamed Cawf
6.Faadumo Maxamed Axmed
7.Aamino cumar Maxamed
8.Cumar Cali Isaaq Xubin
9.Faarax Sheekh Maxmed
10.Caa’isho ibraahim Cal