XOG:Wadahadalkii DFS & Roobow oo meel xasaasi ah gaaray

Uncategorized Wararka Maanta

Wararku waxa ay sheegayaan in qodobka ugu adag oo iminka ay kawada hadlayaan DFS iyo Mukhtaar Roobow uu yahay xal u helida xoogaga weli kaga sugan deegaanka Abal oo hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

 

Mukhtaar Roobow ayaa qaba in Xoogagiisa lagu biiriyo dowlada Federaalka, isla markaana ay kasii howlgalaan deegaanka Abal oo ah xarunta ugu weyn ee Roobow.

 

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale maalmahaan ku dhagnaa qodob ah in dhammaan xoogaga lagu soo wareejiyo isla markaana ay uga sii howlgali doonaan deegaanka ay hadda ku sugan yihiin.

 

Warar hoose ayaa sheegaya in iminka xal laga gaaray qodobka ku aadan xoogaga Roobow, waxaana jira qorsho lagu kala qeybinaayo xoogaga.

 

Ciidamada ayaa loo kala qeybin doonaa afar qeyb, iyadoo qeyb kamid ah lagu biirin doono ciidamada Koonfur Galbeed, si ay u hogaamiyaan ciidamada maadaama ay kala garanayaan xarumaha Shabaabka.

 

Sidoo kale, qorshaha heshiiska ayaa ah in Seddexda qeyb ee soo hartay lagu biiriyo Militeriga dowlada ee ka howlgala Gobolka Shabellaha Hoose, si ay ula shaqeeyan ciidamada.

 

Waxaa kahor inta aysan ku biirin ciidamadda dowladda loo furi doonaa tababar iyo barida habka ay ushaqeeyaan ciidamada dowladda maadaama ay mudo dheer maleeshiyaad ahaan ugu dagaalamayeen AlShabaab.

 

Dhinaca kale, Mukhtaar Roobow ayaa rajo weyn ka muujiyay halka uu iminka maraayo wadahadalka kala dhexeeya dowlada.