Qarax ka dhacay Xerada Ciidamada TurkSom

Wararka Maanta

Weerar loo adeegsaday qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa saakay ka dhacay Xerada Tababarka Ciidamada ee Turksom oo ay ku sugan yihiin macalimiin u dhalatay dalka Turkiga iyo kuwo Soomaali ah.

Qof isku soo xiray Jaakadda Walxaha qarxa watay ayaa dhexgalay dhalinyaro loo xareynayay Tababar Ciidan oo ku sugnaa afaafka hore ee Xerada Tababarka Ciidanka ee Turksom.

Askarta Dowladda ee ilaalada ka heysa Xerada ayaa ka shakisay ruuxaan oo la sheegay in uu dhaq-dhaqaaqyo badan sameynayay, waxaana jiro Khasaare ka dhashay, inkasta oo aan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda ayaa goobta tagtay, waxaana baaris la xiriira qofka qaraxa geystay sameynaya waaxda sida gaarka ah ugu tababaran qaraxyada sida ay ku warrameen saraakiisha.

Xeradaan waxaa kasoo baxay saraakiil iyo askar katirsan Ciidamada Dowladda, waxaana sidoo kale ku xareysan rag iyo dumar u badan dhalinyaro kuwaa oo loo tababarayo in ay ku biiraan Ciidamada Dowladda.

Xigasho: Mustaqbal Radio