Sucuudiga oo joojiyey imaanshihii Xajka ee dibadda

Wararka Maanta

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka mamnuucday dadka debedda ah in ay soo xajiyaan sannadkan, si ay u xakameeyaan fiditaanka feyraska Karoona.

Kaliya tiro aad u kooban oo hadda ku nool boqortooyada ayaa kaqeyb gudan doonta waajibaadkaas, ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda.

Qiyaastii laba milyan oo qof ayaa haddii kale booqan lahaa Maka iyo Madiina xagaagan si ay uga u soo xajiyaan waajibadkan sannadlaha ah ee diinta Islaamka. Waxaa jirtay cabsi laga qabay in Xajka gebi ahaanba la baajiyo.

Waqtiyada caadiga ah ee Xajka ayaa ka mid ah waqtiyada ugu muhimsan jadwalka taariikhda diinta Islaamka. Laakiin kaliya muwaaddiniinta ka kala socota dalalka adduunka ee horeyba u degganaa Sucuudiga ayaa loo oggolaan doonaa inay ka soo qeyb galaan sannadkan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in tani ay tahay habka kaliya ee ay awood ugu yeelan karaan sameynta qorshayaal ay dadku ku kala fogaynayaan, taasoo dadka ka dhigi doonta inay si nabada u cibaadaystaan

Sacuudi Carabiya waxay diiwaangelisay 161,005 xaaladood oo cudurka Karoona ah iyo 1,307 dhimasho ah.

Xigasho: BBC