Ogoow: Halkay maraysa Xaalada Mukhtaar Roobow

Wararka Maanta

Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helnay Sheekh Mukhtaar Rooboow ayaa sheegaya in laga saaray goobta oga sugnaa xarunta nabad sugida qaranka waxaana lashegayaa in lagu wareejiyay ciidamo cadaan ah oo kusugan xarunta xalane.

Ciidamadaan cadaanka ah ee fariisinka u ah xalane ayaa lashegayaa in Sheekh ka wareysan donaan arimaha shabaab iyo waxyaabaha dhex dooda kasocda xiligaan iyo goorta oo katirsanaa sarakiishooda.

Cadaankan ayaa ka codsaday dowlada soomaaliya maalmo kadib xiliga oo isa soo dhiibay waxana lashegayaa in warbixino iyo waraysiyo arimaha shabaab ku saabsan layeelan donaan.

Lama oga inta oo kusugnaan doono xalane inkastoo hogaamiyaasha shabaab kasoo baxsaday halkaasi kusugnayeen mudo ku dhow bil.

Isku soo wada duub arintaan ayaa imaaneyso xili maalmo kahor sheekha sheegay in wada hadal usocda asaga iyo dowlada soomaaliya kana rajeynaayo guul in kusoo dhamaato.

 

Ceelhuur.com