Madaxwayne Farmaajo oo u Ambabaxay Dalka Masar

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa Goordhow ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho,iyagoo kusii jeeda Dalka Masar.

Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan dowlada Soomaaliya,waxaana Garoonka diyaaradaha Adan Cadde ku sii sagootiyay  Madax ka tirsan dowlada.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socdo ayaa dalka Masar uga qeyb geli doona Shir Madaxdeedka dalalka ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta ee Sharma Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha inta halkaas uu ku sugan yahay ayaa waxaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la qaato Madaxda ka qeyb galeysa Shirkaasi ka furmaya Dalka Masar