QALAAFE ILAA QARDHO.. Sheekadda Xil. Muxsin!

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Dagaal ka qaxiyay Qalaafe , imaatinkiisa Qardho, oo uu Macallin ka noqday iyo labadii maalin ee Doorashada oo uu soomanaa, waa sheekadda Xil. Muxsin!

Nolashiisa waxay ku billaabatay dagaallo sakooye oo ka qixiyay deegaankii uu ku dhashay, shan sanno markii u jiray ayaa qoyskiisu ka baxeen Qalaafe oo ka tirsan Dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, deegaanno kale oo dhulka Soomaalida ee Itoobiya oo uu ku barbaaray wuxuu ku qaatay heerarka waxbaraaho ee dugsi quraan illaa Jaamacadda labo sanno ah.

Waa Xildhibaan Muxsin Cabdullahi Xaaji, oo toddobaadkii hore ku soo baxay doorashadii taariikhiga ahayd ee qof iyo cod ee ka dhacday degmada Qardho , isagoo noqday qofka kaliya ee 33 Xildhibaan oo golaha deegaanka uu ka kooban yahay matali doona Dadka barakacayaasha ah iyo siyaasigii u horreeyay ee dadkaa matala.

Isagoo ka hadlaya imaatinkiisa Qardho, wuxuu yiri “ Markii Jaamacadda aan dhammeystay ayaan ku iri hooyaday aan ku laabto deegaankeenni si aan usoo barto Dadka, markii Qalaafe aan imid cidna ima garan oo dadkii markii aan isku sheegay waxay dhaheen dadkaa aad sheegeysid dagaalladii ayaa qixiyay, ka dib inan Soomaaliya imaado ayaan go’aansaday, eedaday oo Qardho joogta ayaan u imid , maalinta aan arkayay iyada dareenkeyga aad ayuu u sarreeyay oo waxaan dareemay mas’uuliyad i fushay, maaddama markii hore mas’uul layga ahaa.”

Iskudayo uu ku doonayay inuu shaqeeyo ayaa guul-darreystay, ma shaqeyn dadaalkiisu markii uu raacay nin farsamo yaqaan oo caawiye uu u ahaa, wuxuuna sheegay marba marka ka dambeysa in culeys nolaleed uu soo fuulayay.

“Markii dambe waxaan go’aansaday inan dugsi qur’aan furo, carruur aan badneyn ayaan ku billaabay ka dib dadkii xaafadda waxay isku sheegeen in Macallin Muxsin carruurta si fiican wax u baro, arday badan ayaan helay , waxaan ku fikiray inan maadiga ku daro waan ku daray, dadkii xaafadda ayaa markii dambe isku yimid oo go’aansaday dugsiga in la ballaariyo sandaqad weyn ayaanna la dhisay oo aan wax ku bari jiray, nolasheydana halkaa ayaan ku dabari jiray.” Muddo shan sanno ah ayuu sheegay inuu ku noolaa Qardho.

Soo galitaankiisa siyaasadda:

Xil. Muxsiin oo nolashiisa uga hadlay wareysi muuqaal ah oo uu siiyay Radio Daljir , luguma waydiin sida hankiisa siyaasadeed uu ku bilowday, sida uu ugu qancay inuu ka mid noqdo ururka Kaah , iyo xataa ururka sida ay isaga ku doorteen, balse waraysiga wuxuu ku bilowday marka uu ka hadlayay siyaasadda uu ku biiray, sida ololihiisa uu u wajahay, wuxuu sheegay waxa ugu horreysay ee u sameeyay inay ahayd carruurta uu waxbarayay inuu ku wargaliyay dhammaan waalidiinta inay u ballamiyaan.

“ Waalidiinta waxay moodayeen lacag iyo inan arrimo dugsiga la xiriira kala hadlayo , wax aysan fileyn ayaan kala hadlay oo ah inan musharrax ahay, way soo dhaweeyeen waxaana u sheegay qof walba inuu Dadka ku dhow gaarsiiyo si codka aan uga helo.

Inta wareysiga uu socday wuxuu aad ugu mahadceliyay Madaxweynaha Puntland , Siciid Deni , wuxuu sheegay maalinta ay codeynta socotay iyo maalinta natiijada lagu dhawaaqayay inuu soomanaa, intaana duceysanayay , marna u duceynayay Madaxweyne Deni, oo uu ku sheegay qofkii ka dambeeyay dadkiisa matalaad inay yeeshaan doorashadana dhacdo. Wuxuu sheegay markii natiijada lagu dhawaaqay oo la yiri Muxsin ayaa soo baxay inay gaajadii iyo haraadkii hayay uu ka ba’ay.

Mar uu ka hadlay dareenkiisa iyo waxa uu doonayo inuu u qabto Dadka uu matalayo, wuxuu sheegay dadkan uu ka soo baxay inay ku dhibqabeen Dawladda oo aysan ku lahayn cid ku madasha, balse ay hadda heli doonaan cid ay baahiyahooda kala hadlaan . Haddii uu xilka ku celinayo waxa uu doonayo inuu qabto suragal haddey noqon waayaan, mar la waydiiyay, wuxuu yiri “ Taas ma dhacayso mana niyad jabin doono ee qofka ay filayeen ayaan noqon doonaa.” Muxsin wali waa bare gacanta ku hayo carruurta yaryar iyo kuwa dhiganaya quraanka iyo maadiga.

Xildhibaan Muxsin wuxuu sumad iyo tilmaam u yahay siyaasiga shacabka ka yimid iyo dimuquraadiyadda Puntland ee dadaalkeedu yahay in lagu gaaro dadku inay soo doortaan cidda ku matalaysa siyaasadda.

Waxaa qoray: Iman Jama