Isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada magaalada gudaheeda qaarkood.
Ciidanka dowladda ayaana ku sugan, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan isgoysyadan inay isaga kala gudbaan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Sababta loo xiray wadooyinka ayaa lagu sheegay in Madaxda Dowladda ay ka qeybgalayaan munaasabad ka socota hoolka Shirkadda Sahal ee ku taala wadada garoonka diyaaraha Aadan Cadde.
Tani ayaa ah dhibaato ay la kulmaan dadka ku nool magaalada Muqdisho, balse ma jirto cid wax iska waydiisa raali gelinta bulshada ee ku aadan wadooyinka ay maraan.