Taliska Dhexe Ciidamada Mareykanka AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn cirka ah ay ku dileen 4 ka mid ah Alshabaab, deegaanka Araare ee Jubadda Hoose, War saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaan ay dhacday 14 bishan, isla markaana ay qiimeynayaan haddii dad rayid ah waxyeelo ka soo gaartay
Duqeynta ayaa timid, kaddib markii ciidanka dowladda ay la kulmeen weerar iyo iska caabin uga timid Al-Shabaab, xilli ay howlgalo wadeen.