Wiil dhalinyaro oo Saaka lagu dilay magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta

Dabley hubaysan ayaa saaka aroortii Magaalada Muqdisho waxa ay ka gaysteen dil, kadib markii ay beegsadeen wiil dhalinyaro ah. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Masaajidka Cabdalla iyo Cawareera oo ku yaallo Degmada Warta Nabadda.

Wiilka dilka loo geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Xasan Cali, sidoo kale Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxa ay tahay meel lagu qaxweeyo oo dhalinyarada ay isugu yimaadaan, waxaana halkaasi ka baxsaday dableydii dilka gaysatay.

Ciidamada Booliska ee Degmada Warta Nabadda oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay, ayaa waxa ay halkaasi ka sameeyeen hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo lamana soo qaban kooxdii falka gaysatay.

Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho maalmahan dambe, waxaana dilalkaasi gaysanaya dableyda hubaysan.