Neymar Ma Ahan Ciyaaryahanka Ugu Mushaarka Badan, Hadaba Yaa Ah?

Ciyaaraha

Durbaba wuu ku fashilmay xiddiga ugu qaalinsan aduunka inuu noqdo kan ugu mushaarka badan kubada cagta, laacibka reer Brazil ayaa noqonaya kan labaad waxan koowaad ah Tevez.

Neymar oo ku biiray kooxda Paris Saint-Germain ayaa ka dhigaya Carlos Tevez inuu noqdo ciyaaryahanka ugu mushaharka badan caalamka, sidaasi waxaa yiri Football Leaks.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhameystiray heshiiskii Parc des Princes ee Barcelona xagaagan, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu qaalisanaa kubada cagta ka dib markii ay ka bixisay kooxda 222 milyan euro.

Laakiin weeraryahanka ayaa sidoo kale shakhsi ahaan u soo xaadiray abaalmarinta xiddiga cusub ee kooxda PSG inuu noqdo ciyaartoyga ugu mushaarka badan kubada cagta, sida laga soo xigtay warbixinta la sii daayay todobaadkan.

Football Leaks ayaa xaqiijisay in Neymar uu ka qaato lacag dhan € 3m bishii bishi Ligue 1, taasi oo la macna ah inuu sanadkii qaato mushahar   gaaraya € 36.8m.

Tevez kaliya oo haatan ka dheela horyaalka Shiinaha ee Shanghai Shenhua, ayaa qaadaya mushahar ka badan lacagtiisa, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in xiddiga reer Argentina uu ka qaadan doono € 38.4m sanadkiisa ugu horeeya ee Asia.

Neymar wuxuu qaataa 100,000 euro maalintii, halka saacaddiiba ama  60 daqiiqo uu qaato € 4,000.

Labada xiddigood ee ree South America , waxaa laga yaabaa in saaxiibkoodiihore uu ka mushaar bato qof kale maaha ee waa Lionel Messi .

Messi oo ka garab ciyaaray Neymar waqtigiisii Barcelona uu ka tirsan, sidoo kale Tevez ayey qaranka Argentina u wada ciyaareen, waxaana la filayaa inuu mushaar ahaan u qaato 40 milyan oo euros sannadkiiba marka uu qalinka ku duugo heshiis cusub  oo uu kula sii joogayo Barcelona.

W/Q Hafsa haji