Muqdisho:Sarkaal Ka tirsanaa Ciidamada Dowladda caawa la dilay

Wararka Maanta

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa weerar qorsheysan lagu dilay sarkaal sare oo ka ciidamada xoogga dalka ee Milateriga Soomaaliya.

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday sarkaal guri uu deganaa sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo magaciisa lagu sheegay Gen. Cabdulle Maxamed (Qururux,)kaasoo la sheegay inuu ahaa ku xigeenkii hore ee Madaxa Saadka ciidamada Milateriga.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafadda Buurdheere ee degmada Waaberi, Gobolka Banaadir, iyadoo dableyda oo bistoolado wadatay ay rasaas ku fureen sarkaalka markii ay hubsadeen inuu geeriyoodayna ay goobta ka baxsadeen.

Dableyda ayaa la sheegay inay sidoo kale isla goobta ku dileen askari ilaalo u ahaa sarkaalka, waxaana goobta markii danbe gaaray ciidamada amaanka.

Majirto cid sheegatay masuuliyada Dilka Sarkaalka waxaana Muqdisho Caado ka noqotay dilaalka qorsheysan iyo baxsadka Kooxaha fuliya oo an cidna soo qaban inta badan

 

Ceelhuuronline