Nabadsugida Jubbaland oo soo bandhigtay Nin askari ku dilay Kismaayo

Wararka Maanta

Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu askari ku dilay magaalada Kismaayo, kana qaatay qorigiisa.

Sida lagu shaaciyay barta Facebook ee Nabadsugida Jubbaland, ninka la soo qabtay ayaa la sheegay in habeen ka hor uu si gaadmo ah ku dilay askari lagu magacaabayay Maxamed Yare, kana qaatay qorigiisa.

Ciidamada Nabadsugida ayaa dabagal ku hayay ninkan gacan ku dhiiglaha ahaa, waxaana uga dambeyn suura gashay in xalay gacanta lagu soo dhigo, kaddib howlgal.

Muddooyinkii u dambeeyay Ciidamada Nabadsugida Jubbaland ayaa howlgalo ka waday magaalada Kismaayo, iyadoo todobaadyo ka hor gacanta ku soo dhigay shabakad falal amni daro ka waday magaalada oo dilal ka geysatay, qaraxyana soo geliyay magaalada.