Nin Timajare ah oo lagu dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa waxay saaka ku dileen nin dhallinyaro ahaa Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Dad goobta ka dhawaa ayaa warbaahinta u sheegay in ninka la dilay lagu magacaabayey Xuseen Xasan, wuxuuna ahaa Timo Jare, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay.

Raggii dilka ka dambeeyay ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamada ammaanka oo howlgallo sameeyay, wallow aanay jirin cid lagu qabtay howlgalkaasi.

Isgoyska Sanca ayaa ah meel aad u mashquul badan, iyadoo ay ku dhow yihiin suuqyo ganacsi oo waaweyn. Dilalka iyo qaraxyo ayaa yaraaday todobaadkan sidii uu Muqdisho uga bilowday howlgalka Xasalinta.