C/raxmaan c/shakuur oo marin habaabin ku tilmaamay baarista hay’adda Nisa ee qaraxii Ex-koontarool

Wararka Maanta

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hor-yimid warkii ay shaacisay Hey’adda Sirdoonka Soomaaliya NISA ee ku saabsanaa in dal shisheeyey uu qorsheeyay qaraxii dadka faraha badan ku dhinteen ee 28-kii bishan ka dhacay Ex Koontarool Afgooye.

Jawaab degdeg ah oo bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu ku yiri “Ujeedka qoraalkan laga leeyahay ma aha oo keli ah in shacabka lagu marin habaabiyo ama lagu qariyo fashilka hay’adda Nabadsugida, ee wuxuu kaloo ujeedkiisu yahay in argagexisada Alshabaab eeda xasuuqa laga leexiyo. Waxaa la oran karaa tani wadashaqayn Alshabaab way dhaafsiisan tahay..”

Siyaasigan ayaa dhowr jeer oo hore ugu eedeeyay NISA iyo Al-Shabaab inay wada shaqeyn ka dhaxeyso.

C/raxmaan C/shakuur ayaa la sheegaa inuu ka mid yahay siyaasiyiinta Mucaaradka ee lagu tiriyo inay u janjeeraan dhanka Imaaraadka Carabta, waxaa uu dhowr jeer eedeeyay dowladda Qatar inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, sidoo kale wuxuu si weyn uga hadlay warbixintii New York Times qortay oo ahaa in Qatar ka dambeysay qarax ka dhacay Boosaaso.

Dhinaca kale Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo madaxda dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale taageero ka hela dalalka Qatar iyo Turkiga oo isku dhinac ah, waxaana loolanka u dhaxeeya dalalkaas, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga laga cabsi qabaa inuu isu rogo dagaal siyaasadeed oo gudaha Soomaaliya ku dhex mara.