Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Magaalada Afgooye

Wararka Maanta

Kooxo hubaysan ayaa lagu soo waramayaa in  Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose ay ku dileen, Nabadoon si wayn looga yaqaanay Degmadaasi.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Ceelqode ee Degmada Afgooye, iyadoo rag hubaysan ay toogteen Nabadoon Nuuradiin Cabdullaahi Aweys oo ka mid ahaa waxgaradka Degmadaasi.

Dableyda hubaysan ee toogtay Nabadoonka, ayaa meesha ka baxsaday markii ay toogteen ay dileen Nabadoonkaasi, illaa haddana lama oga sababtii ka dambeysay dilka Nabadoonka.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa Warbaahinta gudaha waxa ay u sheegeen in ciidamada Dowladda ay tageen goobta dilka uu ka dhacay xilli dambe, mana aysan sheegin cid loo soo qabtay dilkaasi.