Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo gaaray Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa goordhow gaaray Magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiiro, xildhibaano, iyo saraakiil ciidan.

Wafdigan ayaa saaka safar dhulka ah uga soo ambabaxay Magaalada Cadaado fadhiga Galmudug, Galkacyo iyo Cadaado ayaa isku jira 130km, Ujeedada safarka Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu sheegay sidii loo xalin lahaa colaad ka soo cusboonaatay tuulooyin hoos taga Galkacyo.

Mr. Xaashi ayaa Galkacyo kula kulmi doona Madaxweyne ku xigeenka Puntland, iyo waxgaradka Galmudug, dhanka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale ayaa ku maqan Magaalada Muqdisho, isagoo halkaas ugu maqan howlo shaqo oo ay ugu horeyso, Galmudug oo dowladda ka tabanaysa in ay ka gacan maroojisay sarkaalkii ONLF C/kariin Qalbi dhagax.