Madaxweyne Farmaajo oo gudoomiyay shir looga hadlayay amniga iyo cadaaladda

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Tubta amniga iyo Caddaaladda oo looga hadlay dardar-gelinta howlaha iyo halbeegyada hay’adaha iyo wasaarahada ku midaysan tubta ee la xariira sugidda amniga iyo horumarinta caddaaladda dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, wasiirro, taliyayaasha ciidanka qalabka sida, hey’adaha amniga gobalka ayaa ka qayb galay kulanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay dhammaan hay”adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubta in lagula xisaabtamayo fulinta halbeegyadii ay kula heshiiyeen ra’iisul wasaare Khayre in ay ku dhammaystirayaan sannadkaan 2019.

Tubta amniga iyo cadaaladda oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ee lagu saleeyay barnaamijka xukuumadda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn waxaa kamid ah dhamaystirka qorshaha kala guurka ee ciidanka Qarnaku ay kula wareegayaan amniga dalka iyo hagaajinta hannaanka caddaaladda.