Somaliland oo xirtay Haweeney u hanjabtay Israil iyo Maraykanka

Wararka Maanta

Ciidamada booliska maamulka Somaliland ayaa isniintii toddobaadkan xabsiga u taxaabey Nasiima Maxamed Nuur, oo shir jaraaid oo ay Hargeysa ku qabatay ugu hanjabtay dawladdaha Israa’iil iyo Mareykanka.

Shirka jaraa’id ee ay qabatay haweenaydani waxba kaga aanay sheegin Somaliland, marka laga soo tago salaan ay u dirtay madaxweynaha iyo xubno siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda degmada Axmed-Dhagax ee magaalada Hargeysa caasimadda Somaliland.

Shirkeeda jaraa’id waxay intiisa badan kaga hadashay xiisadda ka dhex aloosan Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo taageero u muujisay jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan.

Maamulka Somaliland ayaa xabsiyada ku haya culumo iyo dad ay u arkaan inay kasoo horjeedaan danaha Maraykanka, ciidamada RRU oo ah kuwo si gaar ah loo tababaray ayaa waxaa maalgaliya Dowladda Maraykanka.