Xildhibaan Dalays Xasan Adan oo katirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa la sheegay in loo diiday inay ka dhoofto Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho xilli ay ku wajahneyd deegaano katirsan Gobolka Gedo oo deegaan doorashadeedu tahay.
Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in Ciidamo katirsan Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay Xildhibaan Dalays Xasan Adan ay u diideen inay Garoonka ka dhoofto isla markaana Kulanka Maanta ay leeyihiin Xildhibaannada Golaha Shacabka ajenda taashiisa lagu daray
Xildhibaan Dalays Xasan Adan weli dhankeeda kama hadlin wararka sheegaya in laga hor istaagay inay ka dhoofto Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Maaalada Mqdisho,xilli ay ku wajahneyd deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.