Muqdisho:Dadkii Lagu Xasuuqay Bariire oo Maanta la aasay

Wararka Maanta

Shacabkii lagu xasuuqey Bariire ayaa maanta salaada janaasada lagu tukadey waxaana lagu aasey Qabuuraha isbitaalka Madiina

Xildhibaano iyo Senator ka tirsan Aqalka sare, odayaasha iyo ehelada dadkii laga dilay ayaa ka qeyb galay aaska.

Dowladda Soomaaliya iyo odayaasha ayaa isku afgartay in meydadka la aaso, isla markaana la bixiyo magdhaw, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dowladda ay qofkiiba ka bixineyso lacag gaareysa $70,000 (Todobaatan kun oo dollar).

Natiijadii ka soo baxday baaritaanka dadkii lagu dilay Bariire ayaa lala wadaagay ehelada dadkii laga dilay, waxaana lagu wadaa in maanta la soo bandhigo.

Golaha Wasiirada ayaa suura gal ah in shirkooda khamiislaha ah inay ka soo saaraan war saxaafadeed ku saabsan kiiskii Bariire iyo baaritaanka ay sameeyeen Guddigii xaqiiq raadinta aha

 

Halkaan kala soco Natiijada Baaritaanka Insha allah