Turkiga iyo Qadar ayaa dhallinyaro Soomaali ah u Adeegsanaya dagaalka Liibiya.

Wararka Maanta

Turkiga iyo Qadar ayaa dhallinyaro Soomaali ah u isticmaalaya dagaalka Liibiya

Booqashada lama filaanka ah ee Wasiirka Difaaca Turkiga Hulusi Akar uu ku tagay Qatar dhamaadka todobaadkan ayaa muujinaysay in Turkiga uu doonayo in uu xoojiyo dagaalka ka dhanka Ciidanka uu hoggaamiyo Generaal Haftar, islamarkaana dagaal ay ka qeyb gali doonaan dhalinyaro Soomaali ah oo ay tababaratay dowladda Qatar.

Akar wuxuu magaalada Doha kula kulmay Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad Al Thani, faafaahin kama ay bixin warbaahinta ay maamusho dowladda Qatari ayaa lagu sheegay Warbixinta Wargeyska lagu Magacaabo Libya Review soo xigtay xubno ka mid ah dowladda Liibiya.

Ciidanka ayuu ku sheegay Wargeyska Libya Review in ay yihiin Ciidamo dhowrkii Sano ee lasoo dhaafay si gaar ah ay tababaratay dowladda Qatar, islamarkaana u badan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka mid ah noqday Ciidanka Qatar.

Booqashada ayaa timid xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in dowladda Liibiya ee National Accord (GNA), oo ay taageerayaan Turkiga, ay dagaalyahannada u wadaan dhanka magaalada Sirta ee istiraatiijiga ah ka hor inta aysan dhicin weerarro.