Taliye Sanbaloolshe oo Kheyre ha hor joogsaday ka hadalka Arinta (Qalbi Dhagax)

Wararka Maanta

Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa markii u horeysay qiray in dowladda wareejisay Sarkaalkii ka tirsanaa ONLF oo maalmo ka hor loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.

Sanbaloolshe ayaa si lama filaan ah uga dafay Ra’iisul Wasaaraha su’aal la weydiiyay oo ku saabsaneyd arrinta Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ee ahaa in dowladda ku wareejisay Itoobiya, isagoo xusay in arrintan ay tahay xasaasi, isla markaana waqtigeeda iyo goobteeda looga jawaabayo.

Arrinka la xiriira Sarkaalka la sheegay inuu ONLF yahay ee dowladdu wareejisay sidaa la socotaan arrinkaas waa arrin xasaasi ah oo ay waqtigeeda iyo goobteeda looga jawaabo, aniga oo afduubaya dowladda waxaa jeclaan lahaa in arrintan aysan xilligan dowladda ka hadlin”ayuu yiri Taliyaha NISA oo af qabtay Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa isna ku raacay Taliya Sanbaloolshe, isagoo yiri “Madaxda Qaranka waxaa la yiraahdaa hey’adaha Sirdoonka ayaa u taliya, hadii uu na afduubo, isaga noo xog ogaalsan dalka amnigiisa”.

Ururka ONLF ayaa war saxaafadeed ay soo saareen maanta waxay ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya inay u gacan gelisay Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse, iyagoo ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya ku xadgudubtay dastuurka iyo xeerarka caalamiga iyo midka dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha, ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo safiirka Itoobiya ayaa ka shaqeeyay qorshaha lagu soo qabtay isla markaana loogu gacan geliyay dowlada Itoobiya Qalbi Dhagax.”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay ONLF.

Si kastaba ha ahaatee tallaabadan ayaa dhalisay fadeexad ay dowladda dhex fariisatay, iyadoo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay si kulul uga hadleen, iyagoo ku tilmaamay in la galay qiyaano qaran.