SAWIRADA;-Meydadka Askartii Uganda looga dilay golweyn oo lageeyay Uganda

Wararka Maanta

Meydadka 12 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Uganda ee ku jira AMISOM ayaa lagu celiyay dalkaas kaddib markii ay ku dhinteen dagaal ay Al-shabaab kula galeen Gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada Uganda oo ku siijeeday Buulo Mareer ayaa waxaa degaanka Golweyn ay kula kulmeen Weerar dhabbo gal ah oo ay Al-shabaab ku qaadeen Ciidamada Uganda halkaasna uu ka dhashay khasaare nafeed oo gaaray Ciidamada Uganda.

Meydadkaas ayaa waxaa lagu wareejiyay Taliye ku xigeenka guud ee Ciidanka Difaaca Uganda Wilson Mbasu Mbadi, oo ay wehliyeen ehellada Askarta lagu dilay Soomaaliya,saraakiil ka tirsan Ciidamada UPDF ee Dalka Uganda.

Dowladda Uganda waxaa ay sheegtay in weerarkaas ay kaga dhinteen 12 Askari,halka 7 kalena ay kaga dhaawacmeen,Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay in weerarkaas ay ku dileen 39 Askari oo ka mid ahaa ciidanka AMISOM ee ka socda Dalka Uganda.

September 2015kii ayey Al-shabaab weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Uganda ay ka joogeen degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo Al-shabaab ay sheegtay in ay ku dishay 50 Askari,halka Dolwadda Uganda ay sheegtay in weerarkaas ay uga dhinteen 19 Askari.