Sawirradii ugu dambeeyey ee weerarkii Pizza House

Wararka Maanta

Sawirro dheeraad ah ayaa laga soo qaaday weerarkii Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Maqaaxida Pizza House oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel ku dhow Isgoyska Zoobe.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa baahisay sawirradan dheeraadka ah ee laga soo qaaday Maqaaxida Pizza House oo xalay Shabaabka ay weerareen.

Saraakiisha laamaha ammaanka Dowladda Federalka waxay sheegeen weerarkan in ay ku dhinteen 18 Qof oo shacab ah, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana macquul ah in tirada intaasi ay ka badato.

kooxda weerarka fulisay ayaa lagu sheegay 5 dagaalame iyo hal mid oo gaariga qaraxa waday, weerarka ayaa saaka la soo gabangabeeyey, dadka goobta ku dhintay waxaa ku jira 4 gabdhood oo walaalo ah, Muqdisho ayaa wali la luudeysa amni darro.

piz_1 piz_2 piz_3 piz_4 piz_5 piz_6 piz_7 piz_8 piz_10 piz_11 piza_4 piza_5 posh_1 posh_2