Kenya oo AL-shabab ku eedeysay weerar ka dhacay Lamu

Wararka Maanta

Saraakiil u hadashay Dowladda Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab ay 3 qof ku dileen degaan hoostaga Magaalada Lamu ee Bariga Dalka Kenya.

Weerarka aya alagu qaaday Gaari Toyota ah oo ay la socdeen saddex qof waxaana halkaas lagu dilay saddexdiiba,iyada oo Gaarigiina dab la qabad siiyay.

Guddoomiyaha Lamu Joseph Kanyiri ,ayaa sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyeen Al-shabaab islamarkaana weerarka kaddib ay galeen howdka degaankaas.

Ciidamada amniga Kenya ee degaanka ayuu sheegay in ay hadda ugaarsi ku hayaan Ragga weerarkaas geystay ee keynta galay,waxaana uu intaas ku daray in Ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Kenya loo diyaariyay sugidda amniga degaannada ay ka dhaceyso doorashada.

Ciidamada ayuu sheegay in ay howlgal ka billaabayaan keynta ay Weerarka ka soo qaadeen Al-shabaab,waxaana uu xaqiijiyay in ciidanka ay heegan ku jiraan si degaannadaas uga dhacdo doorasho ku dhisan nabad gelyo iyo amaan.