Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa saakay hoygiisa ku booqday Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Ugaaska ayaa soo dhaweeyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa booqashadooda ay ku yimaadeen magaalada Baladweyne, isagoona tilmaamay in ay kulamo dhowr ah yeelan doonaan mudada ay joogaan.
Xildhibaan C/risaaq Cumar wasiirkii hore ee amniga, qeybna ka ah wafdiga xisbiga ayaa kulanka guddoomiyaha iyo Ugaaska kadib sheegay in kulankan horu dhaca ah uu xigi doono kulamo badan oo uu wafdiga la qaadan doono Ugaaska iyo waxgaradka gobolka, kulamadaasi oo ku saabsanaan doona arimaha xisbiga iyo guud ahaan tan gobolka.
Ugaas Xasan ayaa lagu xasuustaa loolan adag oo dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh xilligii la dhisayey Maamulka Hirshabeelle. Ugaas Xasan ayaa ka mid ah Duubabka dhaqanka kuwooda ugu saameynta badan koofurta Soomaaliya.










