Waxaa la filayaa in ay maanta tagaan magaalo xeebeedka Hobyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Jamaal Maxamed Xasan.
Wafdigan ayaa waxaa ku jira Wasiiru dowlaha Howlaha Guud Axmed Cabdi Kaariye, Senator Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Abtidoon yare, Injireeno Ajnabi ah, iyo ganacsato.
Ujeedada safarka wafdigan balaaran ayaa ah qiimeyn lagu sameynayo sida loo dhiso karo dekedda Hobyo, sidoo kale waxa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta deegaanka.
Dekedda Hobyo ayaa wajiga koowaad loo dhisi doono Qaab Deked kooban inta laga gaarayo deked weyn oo Caalami ah. Wixii kusoo kordha nala soco ceelhuur.com