Guddiga Dib u eegsita Dastuurka oo kalsoonida kala noqday Wasiir Xoosh

Wararka Maanta

Qoraal laba bog ka kooban oo uu soo saaray Guddiga la socodka Dib u eegitsa iyo Hirgalinta Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in kalsoonida lagala noqday Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Guddiga Dib u eegista ayaa oo qoraalka ay soo saareen ka koobnaa Lix qodob ayaa waxa ay sheegeen kalsooni kala noqoshada Wasiir Xoosh in ay ku war galiyeen Gudoonka Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Arrimaha ay ku eedeeyeen Wasiirka Dastuurka ayaa waxaa ka mid ah inuu ka baxay wada shaqeyntii ay ka lahaayeen arrimaha Dastuurka, isaga keligiisa inuu isku koobay shaqada Dib u eegista loogu sameynayo Dastuurka.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxa ay sheegeen Wasiir Xoosh inuu hortaagan yahay geeddi-socodka Dastuurka, waxayna Baarlamaanka ka dalbadeen inuu ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan Wasiirka.

Warqadan waxaa ku saxiixan Guddoomiyaha Guddigan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), wuxuuna sheegay in Wasiirka sharci uu daro ku tilmaamay Miisaaniyadii ay u ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkan hoose ka Akhriso qoraalka ka soo baxay Guddiga Dib u eegista Dastuurka